AFRICOM oo Duqeysay Xero ay Al-Shabaab ku Lahaayeen Tiyeglow.

WASHINGTON:-Qoraal ka soo baxay Howlgalka Ciidamada Mareykanka ee Afrika “AFRICOM” ayaa lagu sheegay in weerar dhanka cirka ah oo Isniintii ay ka fuliyeen agagaarka Tiyeeglow ee gobolka Bakool ay ku burburiyeen xarun ay lahaayeen al-Shabaab.

Qiimeynta horudhaca ah ee weerarkaas ayaa lagu sheegay in duqeyntaas ay lala helay beegsigeedii  oo ahaa saldhig ay kooxdu  ku lahaayeen halkaas.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaasioo ay si wadajir ah u filyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya aanu wax dhibaato ah u geysan dadkii rayidka ahaa ee ka ag dhawaa bartilmaameedka.

Janaraal Dagvin Anderson oo u hadlay howlgalka isku dhafka ah ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada ay ku wiiqayaan kooxda al-Shabaab.

Dhanka kale warbaahinta ku hadasha afka kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay Mareykanku ka fuliyeen Tiyeeglow ay ku burburiyeen xarun idaacadda Andalus ay ku lahayd halkaas, idaacaddan ayaa ahayd idaacad ku hadasha afka kooxda.

Kooxda ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaakii labaad ee muddo todobaad gudihiis ah lagu burburiyo laba idaacadood oo ay kooxdu u adeegsan jirtay baahinta afkaartooda gurracan.

Al-Shabaab oo looga itaal roonaaday badi deegaannada Koofurta iyo bartamaha dalka ayaa meelaha qaar ka soo abaabulo qaraxyo, weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah iyo dilal qorsheysan.