Africa: “Dad Ka Badan 3 Milyan oo Qof ayuu Haleelay Covid-19- Africa CDC”

ADDIS ABABA:-Xarunta la dagaallanka iyo ka hortagga xanuunnada Afrika ee “Africa CDC” ayaa sheegtay in bukaannada uu haleelay xanuunka Covid-19 ee qaaraddu ay tiradooda gaadhay 3,262,243 qof.

Sidoo kale xarunta ayaa sheegtay in dadka xanuunka u geeriyooday ee Afrika ay tiro ahaan yihiin 78,911 oo qof halka 2,676,896 oo qofina ay ka bogsadeen.

Xarunta ayaa ku warrantay in gobolka Koofurta Afrika uu yahay gobolka uu xanuunku gaardhsiiyay dhibaatada ugu badan waxaana kaalinta labaad ku jira gobolka waqooyiga Afrika.

Dalalka ugu daran ee uu saameeyay xanuunka korona ayay xaruntu sheegtay in ay kala yihiin dalalka

Koofur Afrika oo diiwaangelisay 1,337,926 xaaladood,

Morocco 459,671 xaaladood

Tunisia 180,090 xaaladood

Masar 156,397 xaaladood

Itoobiya 131,195 xaaladood

Dalka Koofur Afrika ayaana noqday dalka ugu badan ee ay ku geeriyoodeen dad qabay xanuunka Korona waxaana ku geeriyootay 37,105 oo qof.

Wakaaladda daryeelka caafimaadka ee hoostagta Midowga Afrika ayaa sheegtay in shanta dal ee uu sida weyn u saameeyay xanuunka ee aannu kor ku soo xusnay ay qaaradda ka yihiin 69% wadarta guud ee dadka Afrika.

Dhawaan ayuu xafiiska tallaallada Afrika ku dhawaaqay in ay soo gaadheen 270 milyan oo dhibcanaha tallaalka ah oo loogu talagalay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.