Mareykanka iyo Soomaaliya:”Weli Mareykanka waxaan uga baahannahay sugidda amniga”

Xiisadda Soomaaliya ayaa aad u sarreysa. Hannaanka siyaasadeed ee dabacsan ee dalka wuxuu la daalaa dhacayaa doorasho si adag loogu tartamayo, Mareykankana wuxuu la baxay ciidamadiisa, waxaana sidoo kale jira walaaca isa soo tarayo oo ku aaddan kooxaha Islaamiga ah ee sida aadka ah u hubeysan.

Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah ayaa ka digaya in – dalkan oo muddo soddon sano ku jiray xaalado jahwareer leh – uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska dalkan burburay uu haatan khatar ku jiro.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli muhiim ah,” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swann, ayaa sidaas BBC-da u sheegay, isagoo ka digay in dhaqanka hoggaamiyeyaasha qaranka iyo kuwa gobollada – ee ku doodaya dib u dhaca doorashada iyo hannaanka doorashada baarlamaaniga ah ee la barxay – uu horseedi karo rabshado.

Koox isugu jirta ururro iyo dalal – ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika – ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si qasab ah ugu borrinayaan hoggaamiyeyaasha Soonmaaliya in ay galaan wada xaajood. “Isticmaalka nooc walba oo rabshad ah lama aqbalayo,” ayay yiraahdeen.

President Mohamed Abdullahi Farmajo addresses lawmakers after winning the vote at the airport in Somalia"s capital Mogadishu, February 8, 2017

Soomaaliya waxaa sannadkii hore lagu waday in ay ka dhacdo doorashadii ugu horreysay ee “hal qof iyo hal cod” – taas oo horumar weyn u ahaan lahayd dal ay ragaadiyeen dagaallo.

Balse xisbiyada mucaaradka ee uu qabiilku hareeyay ayaa ka soo horjeestay hannaanka iyagoo walaac ka qaba in ay dhacdo ku shubasho.

Heshiis dhexdhexaadin ah oo laga fiirsaday ayaa hadda ku dhow inuu burburo, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayayna dadka qaar ku eedeeyeen inuu doonayo in wuxuu isagu rabo ku qasbo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.

“Musiibo ayay noqon doontaa haddii aan si hagaagsan loola jaanqaadin doorashooyinkan. Qof walba wuu ogyahay in dimuqraaddiyaddeenna ay liicday, waxaana dooneynaa inan hagaajinno,” ayuu yiri la taliyihii hore ee ammaanka qaranka ee Farmaajo, Xuseen Sheekh Cali.

Somali women walk near the wreckage of a car destroyed at the scene of a militant attack at the Elite Hotel in Lido beach, in Mogadishu, Somalia August 17, 2020

Waxa sii dhabqinaya xaaladda cakiran ee caasimadda, Muqdisho – oo ah magaalo ay mar burburiyeen qabqableyaal beeleed – waa walaaca sii kordhaya ee ku saabsan kooxda al-Shabaab.

Kooxdan Islaamiga ah ayaa magaalada ka baxay, inta badan magaalooyinka kalena waxaa ka bixiyay Midowga Afrika iyo ciidamada Soomaaliya, balse waxay ku xooggan tahay qeybo ka tirsan dalka.

Waxay sidoo kale bilowday inay si dadban uga howlgasho gudaha Muqdisho, halkaas oo ururka uu ka qaado canshuuro, wuxuuna handadaad ku hayaa ganacsato badan. Waxay sidoo kale maamulaan maxkamado shareecada ku dhaqma.

Al-Shabaab waxaa kale oo ay fuliyaan weeraro dilal ah oo bartilmaameedsan, isla markaana weerarro is maadaamin ah oo la soo abaabulay ku qaaddo hoteello iyo xafiisyada dowladda.

“Qof walba waxaa canshuur ka qaado al-Shabab, si toos ah ama si dadban, oo uu ku jiro madaxweynaha – cuntada uu cuno [iyaga] ayaa canshuura,” ayuu yiri la taliyihii hore ee Farmaajo ee dhanka amniga, isagoo u warramayay BBC-da.

“Way sii xoogeysanayeen afartii sano ee la soo dhaafay. Dad badan ayaa dhayalsada al-Shabab, waxayna sheegaan in ay noqonayaan sida maafiyada oo kale. Balse waa urur aad isugu toosan lehna hiigsi ay ku qabsadaan dalkan.”

1px transparent line

Shan iyo toban qof ayaa bishii August la dilay markii ay al-Shabab weerareen hoteel caan ah oo xeebta dhinaceeda ku yaalla, Elite, ee magaalada Muqdisho. Milkiilaha ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in hoteelka loo bartilmaameedsaday sababo la xiriira inuu diiday inuu lacag siiyo kooxda.

“Waa sida madax furasho. Way ogaayeen inaynaan wax lacag ah siineyn Shabaab,” ayuu yir Cabdullaahi Nuur, oo si degdeg ah u dayac tiray dhismaha oo hadda furan.

“Xitaa wixii dhacay kaddib, waxaan diyaar u nahay inaan diidno Al-shabaab kana difaacno nafteenna,” ayuu yiri.

Balse Nuur, sida dad badan oo macaamiisha ka mid ah iyo qoysas kale oo galabkii ku raaxeysanaya xeebta Liido, wuxuu walaac weyn ka muujiyay arrinta soo cusboonaatay – ee ah qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka ee laga saarayo Soomaaliya, iyadoo amarka uu bixiyay Madaxweyne Donald Trump.

“Aad ayay inoo dhibeysaa,” ayuu yiri milkiilaha hoteelka. “Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka.”

Boy playing football on the beach

Diblomaasiyiinta Reer-galbeedka ee ku sugan Muqdisho ayaa dhayalsanaya go’aankii lama filaanka ahaa ee Aqalka Cad uu qaar ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka uga saaray Soomaaliya. Waxaa loo maleynayaa in illaa 700 oo ciidamo Mareykan ah ay joogaan dalka.

“Waxay ku tilmaameen in uusan ahayd isbeddel siyaasadeed balse uu yahay mid muujin awoodeed ah. Waxaan u maleynayaa in Ameerikaanku ay ka go’an tahay in ay muddo dheer Soomaaliya ka caawiyaan ammaanka,” ayuu yiri safiirka Britain, Ben Folder.

Balse safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid ay ka faa’iidayaan al-Shabab”.

1px transparent line

Waxaa jira walaac gaar ah oo laga qabo – xitaa in kastoo ay sii socon doonaan duqeymaha cirka ee lagu muransan yahay ee Mareykanka uu u geysto al-Shabab – waxaa haddana laga yaabaa inay meesha ka baxaan tababarkii iyo korjoogteyntii Mareykanka uu u fidin jiray ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab.

“Keliya duqeymihii cirka ee Mareykanka iyo ciidamada gaarka ah waa kuwa sida adag u beegsanayay al-Shabab, wayna sii yaraaneysaa,” ayuu yiri Cali.

“Haddii kale intan way ka sii awood badnaan lahaayeen. Waxay tani saameyn khatar ah ku yeelan kartaa dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya. [Danab] waxay u nuglaan karaan in sida qalab siyaasadeed ay u deegsadaan xoogagga mucaaradka isku ah ee dalka ku sugan,” ayuu hadalka ku daray.

Xiisadahaas ka dhex taagan Soomaaliya waxaa dabka u sii hurinaya isla markaana faragelin ku haya dalal kale oo ku yaalla gobol aysan xaaladdiisu hagaagsaneyn, xasilooni darrada ku sii baaheyso ee ka jirta Itoobiya, Khaliijka iyo meelo kale, iyo shan ciidan oo dalal Afrikaan ah ka socda iyo la taliyeyaal militari oo dalal kale oo badan ka socda, kuwaas oo faraha kula jira dagaallada gudaha Soomaaliya.

Horumar ballaaran oo ka socda Soomaaliya

“Dhibaatadu waa in dagaallada Soomaaliya aan gibi ahaanba la wada xallin. Waxaa jiro aragtiyo kala duwan oo ku saabsan nooca dal ee ay Soomaaliya noqon lahayd. Kala duwanaanshaha ka dhex jira Soomaaliya ayaa ka sii daray oo sii ballaartay, mararka qaarna waxaa sidaas sameynaya kuwa caalami ah oo howlgallo noocaas ah sameeya,” ayuu yiri safiir Fender.

Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay ay horumar ballaaran ka sameysay dhinacyo badan.

Dalka ayaa hagaajiyay dhanka canshuur ururinta, dhalinyarada Soomaaliyeed iyo xubnaha qurba joogta ayaana ka shaqeeyay arrimaha rayidka. Muqdisho qudheeda si degdeg ah ayay isku beddeleysaa, siyaasiyiinta ayaana xaaladda haatan ka soo kaban kara oo doorasho kale qaban kara sannadkan, waxay ka dhignaan doontaa in dalku uu awooday xil wareejintii saddexaad oo si nabad ah ku dhacda, wax ka yar toban sano.

Blase iyadoo horumarkaas uu si weyn ugu tiirsan yahay ciidamada Midowga Afrika, Amisom, waxay ka kooban tahay 20,000 oo ciidamo Afrikaan ah, taas oo ilaalisa dowladda, muddo sanado ahna hoggaanka u heysay la dagaallanka al-Shabab.

Xigasho:BBCSomali