Dowladda Ruushka oo Xabsiga u Taxaabtay Alxei Navalny.

MOSCOW:-Ninka sida weyn u dhaliila siyaasadda dowladda Ruushka Alexei Navalny ayaa la sheegay in la xiray kaddib markii diyaaraddii sidday ay ka soo caga dhigtay garoon ku yaalla magaaada Moscow isaga oo ka yimid dalka Ruushka.

Navalny ayaa shan bilood ka hor ka badbaaday sun loo adeegsaday in lagu khaarijiyo.

44 jirkan mucaaradka ah ayaa la arkayay isaga oo ay booliisku u sii kaxeynayaan goobta lagu baaro baasaboorrada ee garoonka.

Dad badan oo ka mid ah taageerayaasha hoggaamiyahan ayaa isugu soo baxay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Vnukovo ee ku yaalla magaalada Moscow si ay u salaamaan, balse diyaaraddii sidday ayaa loo wareejiyay garoon kale.

Xukuumadda ruushka ayaa horay loogu eedeeyay in iyadu ay soo maleegtay qorshihii lagu sumeeyay Navalny ee uu ka badbaaday.

“Waan ogahay in aan saxanahay, wax aan ka baqayana ma jiraan” ayuu yiri Navalny oo la hadlayay taageerayaashiisa iyo warbaahinta ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin.

Qareenka Navalny ayaa lo diiday in markii la xirayay uu sii raaco.

Booliiska ayaa markii ay kaxaysanayeen Navalny uga digay in uu ka hor yimaado amarkooda haddii ay taasi dhacdana ay awood ku maquunin doonaan.

Booliiska iyo dadweyne farabadan oo taageere u ah Navalny ayaa shalay is farasaraay kaddib markii dadweynahaas loo diiday in ay soo dhaweeyaan hoggaamiyahaas ay taageeraha u yihiin.

Warbaahinta Ruushka ayaa waxay ku warantay in tiro ah ddaka u ololeeya arrimaha bulshada oo uu ak mid yahya Lyubov Sobol – oo ay aad isugu dhaw yihiin Navalny la xiray.