Diyaarad Sidday Raashin Gargaar ah oo gaartay Magaalada Xudur.

XUDUR:-Wararka ka imanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka ay halkaasi ay gaadhay diyaarad sidday shixnad gargaar ah.

Shixnaddan oo ah tii ugu horreysay ee gargaar bani aadannimo ah waxaa halkaasi gaarsiiyay maamulka Koofur Galbeed.

Gargaarkan ayaa isugu jira Sokor, Saliid iyo Bariis loogu talagalay in loo qeybiyo dadka halkaasi ku tabaaleysan.

Shixnaddan gargaarka ah ayaa timi iyada oo waayihii dambe ay halkaasi ka taagnayd xaalada nololeed adag oo la soo gudboonaatay dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.

Magaalada waxaa si aad ah u saameeyay go’doominta ay ku hayaan kooxda al-Shabaab oo xiray dhammaan waddooyinkii ay badeecadaha kala duwan u mari jireen.

Dhanka kale hoggaamiyaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saraakiisha amniga ee maamulkiisa la yeeshay kulan ay si wadajir ah ugu lafaguriyeen xaaladda ammaan ee gobolka Bakool.

Hoggaamiyaha ayaa saraakiisha kala arrinsanayay sidii ay u dejin lahaayeen qorshe buuxa oo lagu furayo waddooyinka ay xireen kooxda al-Shabaab oo go’doomin ku haysa gobolkaas.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Aadan Abdinaasir Maxamed, Wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Koofur Galbeed, Lataliyaha Arrimaha Siyaasada Koofur Galbeed Aadan Maxamed Nuur (Soron-Soor) iyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciirow.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka ayaa sheegay in laamaha Amniga oo garabsanaya shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool ay billaabi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda al-Shabaab.