Dagaalo Al-Shabaab ku qaaday degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga gelayaa dagaalo geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidmada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Saldhig Ciidmada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Cabdalla Biroole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday kudhawaad Saacad.

Dadka degaanka Cabdalla Biroole qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha dagaalka kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Ciidamada Jubbland iyo Al-Shabaab ayaa dagaalkooda wuxuu ka dhacay degaanka Baarsanguuni ee duleedka Ksimaayo, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbland.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baarsanguuni ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidmada Jubbaland oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay howlgallo ka wadaan duleedka degaanka Baarsanguuni iyo deegannada u dhow.