Hogaamiyaha Mucaaradka Bobi Wine oo Ku Gacanseyray Natiijada Doorashadii Uganda.

KAMPALA:-Bobi Wine  hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda ayaa gaashaanka u daruuray natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dalkaasi ka dhacday Khamiistii la soo dhaafay oo uu ku guuleystay madaxwayne Musaveni.

Hoggaamiyaha ayaa warbaahinta caalamiga ah qaarkood u sheegay in boqollaal askari ay isaga iyo xaaskiisa ka hortaaganyihiin inay guriga ka baxaan islamarkana ay qaarkood guriga gudaha u soo galeen.

Madaxwayne Museveni ayaa dhankiisa bogaadiyay doorashada oo uu ku tilmaamay in ay ahayd tii ugu hufnayd ee abid Uganda ka dhacda, wuxuuna mucaaradka uga digay inay rabshado ku kacaan.

Khadka Internet-ka ee Uganda ayaa la jaray intii ay doorashada socotay.Bobi Wine ayaa arrintaas ku macneeyay mid salka ku haysa qarinta musuqmaasuq la xariira doorashada isaga oo ugu baaqay shacabka Uganda inay diidaan natiijada ka soo baxday doorashada .

Marka laga reebo midowga Afrika ma jirin ururo kale oo caalami ah oo doorashadani kor joogtaynayay.

Guddiga doorashada Uganda ayaa beeniyay hadalka hoggaamiyaha mucaaradka eek u aaddan in la musuqay doorashada.

Madaxweyne Museveni, oo xukunka hayey 35 sano, ayaa markii lixaad loo doortay xilka madaxwaynanimada islamarkana marka uu mudda xileedka imika loo doortay uu dhameysto waxay micnaheedu tahay in uu 40 sano dalka xukumayay.

Mr Museveni ayaa sida guddiga doorashada sheegeen waxaa uu helay 59% codadkii la dhiibtay, halka Bobi Wine oo ku soo xigay uu helay 35%, sida ay guddiga shaaciyeen.

Musavani oo awoodda dalkaasi la wareegay sanddii 1986-kii, ayaa isu arka in uu yahay nin dalkaasi ku soo dabaalay nabad kana badbaadiyay dhibaatooyin badan hase yeeshee dadka dhaliila ayaa u arka in uu yahay nin kaligii taliye ah oo mucaaradka gacan bir ah ku qabtay.