Dibadbaxayaal Hubeysan oo Cabsi Ku Haya Mareykanka.

WASHINGTON:-Dowladda Mareykanka ayaa adkeysay ammaanka dhammaan gobollada uu dalkaasi ka koobanyahay cabsi laga qabo qalalaaso ay kiciyaan taageerayaasha Trump ee hubaysan.

Adkeynta ammaanka dalka Mareykanka ayaa imanaysa iyada oo maalmo kaliya ay inaga xigaan caleema saarka madaxweynaha dhawaan dalkaasi loo doortay ee Joe Baiden.

Magaalada Washington ayaa lagu daadiyay ciidamo aad u fara badan iyada oo aan xusuusanno in toban maalmood ka hor ay dibadbaxayaal taageere u ah Trump ay xoog ku galeen golaha Kongareska dalkaas.

Ciidamada dowladda ayaa heegan xooggan laga geliyay dacallada dalka oo idil iyaga oo la faray in ay sugaan ammaanka dalka gaar ahaan xilliga caleema saarka oo ku beegan Arbacada soo socota.

Taageerayaasha Trump ayaa baraha bulshada kaga dhawaaqay dibadbaxyo hubaysan oo dalkaasi ka dhaca Axadda maanta ah iyo maalinta caleema-saarka.

Ciidamada dowladda ayaa horay u xiray tobannaan ka tirsan taageerayaasha Trump kuwaa oo lagu eedeeyay in ay hormuud ka ahaayeen falkii ay dad dibadbaxayaal ah ku galeen Kongareeska.