Biden oo maalmaha ugu horreeya shaqadiisa tuuri doono mamnuuciddii Trump ee dalalka Muslimiinta.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo qorsheyaal dhowr ah kaddib marka uu xilka la wareego.

Qorsheyaashaas waxaa kamid ah in Maraykanka uu dib ugu soo celiyo dalalka saxiixay heshiiskii cimilada ee Paris.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu meesha ka saaro xayiraaddii socdaalka ee saarneyd qaar kamid ah dalalka muslimiinta ee uu Trump kusoo rogay dalalkaas, sida ay ku warrameyso warbaahinta Mareykanka.

Ammaanka la adkeeyay ayaa horseeday in inta badan bartamaha Washington loo xiro xafladda caleema-saarka ka dib weerarkii ay ku qaadeen Congress-ka taageerayaasha Donald Trump horaantii bishaan.

FBI-da ayaa ka digtay in xarumaha waaweyn ee dowlada Mareykanka oo dhan ay bartilmaameed u noqon karto qalalaase hor leh maalmaha soo socda.