QM oo xil u Magacaawday Sarkaal horay uga soo shaqeeyay Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa Mr. Nicholas Haysom oo mar soo noqday Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u magacowday Wakiilkooda Gaarka ah ee Suudaanta Koonfureed.

Bilowgii 2019 ayaa dowladda Soomaaliya dalka ka cayrisay, Mr. Nicholas Haysom, xilligaasi oo ay ku eedaysay faragelin arrimaha-gudaha ah.

Nicholas Haysom ayaa hadda wixii ka dambeeya waxaa uu ka howlgeli doonaa dalka Suudaanta Koonfureed oo kamid dalalka Afrika oo muddo badan ay dagaalo ka dhacayeen.