Madaxweyne Museveni oo mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkiisa.

Guddiga doorashada Uganda ayaa ku dhawaaqay in mar kale madaxweyne Yoweri Museveni uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada taas oo sii dheereyneyso xukunkiisa 35 sano.

Yoweri Museveni wuxuu helay boqolkiiba 58.64 codadkii la dhiibtay halka sida weyn ula tartamayayRobert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa helay boqolkiiba 34.83.