Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo saacadaha soo socda ku wajahan Degmada Xudur.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu wadda in saacadaha soo socda uu safar deg deg ah ugu anbabaxo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Degmada Xudur waxaa uga sii horreeya oo shalay gaaray xubno ka tirsan golaha Wasiirradda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaa oo u sii gogol xaaraya safarka madaxweynaha

Safarka Laftagareen ee Xudur ayaa imanaya xili degmada ay ka dhaceen dibadbaxyo aan taariikhda dhaw horay uga dhicin degmada oo dadku uga cabanayeen nolasha adag ee soo food saartay kaddib markii ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed intaba inay iska dhaga-tireen xaalada ay ku sugan tahay Xudur oo odayaasha qaarkood sheegeen in meelaha qaar dadka dhimasho qarka u saaran yihiin.

Dhanka kale go’doominta Al-Shabaab ee degmada Xudur ayaa aheyd mid muddo dheerba iska soo jirtay, haddana bilihii ugu danbeeyay Al-Shabaab ayaa bilaabay inay gubaan gaadiidka isku daya inay si qarsoodi ah ku galaan degmada, taasoo keentay in gabi ahaanba ganacsatadu joojiyaan dhamaanba wixii maciishad ah ee gali lahaa mar haddii Al- shabaab ay dab qabadsiinayaan gaadiidkooda iyo hantida saaranba.