Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay Maanta ku soo bandhigtay Sarkaal ay sheegtay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Aaga degmadaasi Qoryooleey, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda.

Sarkaalkaan ka soo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa degmada Qoryooleey ku soo dhaweeyay taliyaha Ciidamadda Madaniga ah ee degmada qoryooley Col- Cali Waal iyo Taliyaha Ciidamadda AMISOM.

Taliyaha Ciidamadda degmada Qoryooley Korneyl Cali Waaal ayaa ugu baaqay dhalinyaradda hadda ku jirta Al-Shabaab ee ka barbar dagaalama inay isa soo dhiibaan si aysan u dhibateen dadkooda iyo dalkooda loona fidinaayo cafis.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in amniga ee Degmada Qoryooley uu yahay mid wanaagsan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameeyaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa degaannada ay maamulaan waxaa ay siyaabo kala duwan ugu soo bandhigaan Saraakiil iyo Ciidamo uu midba midka kale sheego in uu isku soo dhiibay.