Dowladda Britain oo ciidamo fara badan u Tababartay Soomaaliya.

BAYDHABO:-Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in Soomaaliya u tababartay 113 askari oo ah dufcadii ugu dambeysay oo qeyb ka ah guud ahaan 500 askari oo ka qeyb qaadan doona dib u soo celinta xasilloonida iyo la dagaallanka al-Shabaab.

Tababarkan oo soconayay muddo siddeed toddobaad ah ayaa waxaa loogu talagalay in lagu diyaariyo saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay howlo amni uga fuliyaan maamul Goboleedka Koofur Galbeed, si looga hortago khatarta al-Shabaab iyo ururrada kale ee ee hubaysan.

Ciidamadan ayaa tababar ka qaatay 26 sargaal oo ka tirsan ciidamada boqortooda Ingiriiska.

Ciidamada dhamaystay tababarka ayaa sidoo kale la siiyay dhammaan agabyadii ay u baahnaayeen oo idil.

Waa dufcadii shanaad oo ay tababartay dowladda Ingriiska tan iyo markii Ingiriisku bilaabay tababarka ciidamada Soomaaliya bishii Sebtember 2019.
Ingiriiska ayaa sidoo kale siiyay ciidamada Xoogga gaadiid dagaal sidoo kale Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhisaysa xero ciidan oo laga hirgalinayo Baydhaba taas oo qaadkeedu dhanyahay 450 askari.

“Tallaabadan waxay muujineysaa sida Britain uga go’antahay in ay Soomaaliya ka caawiso sugidda amniga iyo xasilloonida dalkeeda, iyada oo lala dagaallamayo kooxaha argagixisada ee halista ku ah danaha UK ee gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yiri wasiirka ciidamada UK Forces James Heappey.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ballanqaadday in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in ay labo-jibbaarto tirada ciidamada Soomaaliya ee ay tababarayso sanadkan 2021-ka.