Dhakhtar Soomaali ah oo Shaqada Laga Joojiyay Luqaddiisa Ingiriisiga oo Liidata Awgeed.

LONDON:- Dhakhtar Soomaali ah oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa shaqada laga joojiyay luqaddiisa Ingiriisiga oo aad u liidata awgeed.

Dr. Cabdullaahi Cabdi Yuusuf ayuu golaha caafimaadka dalka Ingiriiska ka joojiyay shaqada caafimaadka muddo hal sano ah iyaga oo tilmaamay in aanay suuragal ahayn in la fahmo afka Ingiriisiga ee uu ku hadlo.

Golaha ayaa go’aanka ka dhanka ah Cabdullaahi soo saaray kaddib markii ay sheegeen in uu u soo diray e-mali ku qoran af Ingiriisi aad u jajaban, khaladaadkuna ku badanyahay kaasi oo uu Cabdullaahi ku codsanayo in loo oggolaado daweynta bukaanno isaga oo ku adkeysanaya in luqaddiisa Ingiriisigu wanaagsanatahay.

Cabdullaah oo ah Soomaali si magangelyo ah ugu nool magaalada Manchester ayaa ku andacooday in isaga iyo bukannaadiisu ay si wanaagsan isu fahmaan oo aanay wax dhib ah isku qabin.

Dhakhtarkan oo 51 jir ah ayaa marar badan ku dhacay imtixaanaad la xariira afka ingiriisiga, dhageysi, akhris, qoraal iyo ku hadal intaba.