Ciidanka Xoogga dalka oo baacsanaya maleeshiyadka Al-Shabaab

Muqdisho:- Ciidamada Xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa mamaulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay deegaano dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo kaabiga ku haya degmada Jamaame ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanaadaas.

Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo dadka dhibaato ba’an ku hayay, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono inta laga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo argagixisada mararka qaar si dhuumaaleysi u yimaadaan.