Wajigaaga Dadka waad ka qarin kartaa, laakin Doqonnimadaada Dadka kama aqrin kartid!!!.=Nasashada Jimcaha.Q- 235=

1. Nin Reer Gaalkacyo ah ayaa yiri: Alloow, Abaar iyo Col noo keen, waxaa lagu yiri: Maxaad ku falee? waxa uu yiri: Ragbaa isku baranhayo.
(Walee Doorashadaan, Darajo iyo Dollar doonka ah, Dad dheexaa oo doqon Diif cunna ahaa oo Dadkiisa Wax ka duleeysan jiray waa lagu baranayaa. “Wajigaaga Dadka waad ka qarin kartaa, laakin Doqonnimadaada Dadka kama aqrin kartid”. Dhibaatada Waqtiga adagi waa Cashar Dadku isku barto).
2. Wadaad Masjidka ku xirnaa ayaa Salaadii Subax ka soo daahay. waxaa lagu yiri: Maxaa kugu dhacay Maanta?. waxa uu yiri: Diiqii hurdada naga kicin jiray ayaa xalay la qalay, kadib markii Qeyladiis Deriska qaar ey ka dacwoodeen. ( F.S: 1aad).
(Qof kasta oo wanaag ummadda u sameeyo, uguna yeero wanaagga, Dadka qaar ayaa dhibsado wanaaga uu ugu yeerayo, kuna taliyo in la qalo ).
3. Nin ayaa Habeen Barkii wacay isbitaalka Digfeer -Mogadishu Qeybta Gurmadka deg dega ah. Waxaa lagu yiri: Halloow, maxaan kuu qabanaa?.Amblaskii ayaan kuu soo direynaa, xageed joogtaa, xanuunkee ku hayo. waxa uu yiri: waxaan ahay Macaani Nuuraani, waxaan joogaa Deg. Xamar weyne, Lakin ma xanuunsani.
Waxaa lagu yiri: Maxaad noo soo wacday?.
Waxa uu yiri: waxaan is lahaa yaan lagu dhihin, waa Daniiste Abaal laawe ah, oo Marka uu xanuunsado oo kaliya ayuu idin soo wacaa, waan idin salaamayay. ( F.S: 2aad).
( Nin Xildhibaan ahaa ayaa ku noqday Deegaan Doorashadiisii 4 Sanno kadib, isaga oo leh: waan idin soo booqday si aan idiin Salaamo oo aadan ii dhihina waa Abaal laawe, Salaanta wax waa iila jiraan).
4. Eeyaha baahan ee rafaadsan oo dhan ha quudin, waxaa laga yaabaa in qaarkood ey u baahan yihiin in ey xoogeystaan si ey Adiga kuu qaniinaan, Dadka qaarna waa sidaa, Fiira lahaaw….”Don’t feed every Dog you see suffering. Some needs strength to bite you. Be very careful when helping people”. ( F.S: 3aad).
( Meeqa Qof oo aad Quudisay ayaa ku qaniintay? )
5. Wiil yar ayaa waxa uu Arkay Hooyadii oo Dharka badalanee, waxa uu ku yiri: Hooyo waa maxaay Tintaan kaaga taal Xudunta hoosteeda? waxa ey ku tiri: Tin ma ahan ee Buraash aan wajiga ku dhaqdo. Maalma kadib ayuu Hadda arkay Hooyadii oo Dhar badalanee iyada oo soo xiiratay. waxa uu ku yiri: Hooyo Aaway Buraashkaagii? waxa ey ku tiri: waa la iga xaday.
Maalin kale ayuu isaga oo ku qeeylinayo Hooyo, Hooyo ayuu qolka u soo galay, kuna yiri: Hooyo Buraashkaagii waan soo arkay, waxaa kaa xaday Jaariyadda, Aabe ayeeyna wajiga uga dhaqeysay.
( Ar Somlida Casrigaa dhaqan xumaa, waji iyo Buraashkaa maxaa isku keenay.
Hooyadii waxa ey tiri: Ninka ha leyga furo, waxa lagu yiri: Abaay, Nimanka Somalidu waa sida Madaxweynayaasha oo kale, midba kan ka dambeeyo waa ka xun yahay, guurka raggana midba kan ka dambeeyo waa ka xun yahay ee Ninkaaga dhuuqso) .
6. Nin ayaa qabay 2 Xaas, waxa uu ku dadaalay in uu u cadaalad falo, wixii wanaag ah ee uu mid u sameeyo tan kalena waa u sameey jiray, arrintaa iyaga ayaaba u qiray oo ku amaanay.
Maalin ayaa 2dii Xaas waxa ey geeriyoodeen iyaga oo hal Qol ku wada jiro. Ninkii ayaa si uu Cadaaladda u ilaaliyo waxa uu amray in Meydkooda isku mar la dhaqo, kadibna isku mar la kafano, markii Meydka laga soo saari lahaa Qolka ayuu arkay in Qolku hal iridda leeyhay, waxa uu ka shakiyay tee horta la bixinaa Meydkeeda. waxa uu amray in Qolka irid Labaad looga sameeyo Irirdii hore dhinaceed. Labadii Meyd ayaa isku mar la soo bixiyay, waxa uu amray isku mar in Qabriga la galiyo, isku Marna la aaso.
Habeeno kadib ayuu mid ka mid ah Xaasaskiisii Riyo ku arkay, waxa eyna ku tiri: Cadaalad Daradii aad igu sameeyay kaama cafinayo, Allaah hortiisa ayaana kugu dacweynayaa Maalinta Xisaabta qiyaamo.
waxa uu ku yiri: Maxaa dhacay? waxa ey tiri: Markii Meydkeena laga soo saarayay Qolka iyada waxaad ka soo bixisay iridii Cusbeed, Anna tii hore. ( F.S:4aad).
( Wallee 2xaasloow, ma eed la’aatid. Laba Beelood oo Somaliya oo aan ogahay Qofkii cadaalad u sameeya la yiraana, ma eed la’aado, waa labadee ?. )
Qore: Yahya Amir