Faah faahin:Al-Shabaab oo saacado kooban la wareegay Gacanta ku haynta degaanka Ceeldheere.

Kooxda Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Ceel-dheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dad deegaanka ayaa sheegay in dagaal culus ay Al-Shabaab degmada ku soo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Ceeldheere.

Deegaanka Ceeldheere ayaa 30-KM u jira Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul Goboleedka Galmudug.

Ciidanka dowladda ayaa xalay dib ula wareegay Magaalada ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.