James Swan iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

Baydhbo:-Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta waxaa uu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

James Swan ayaa waxaa uu haatan shir kula jiraa Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed ( laftagareen) iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka James Swan ee Baydhabo ayaa ku soo aaday, iyadoo is mari waa xooggan uu ka jiro hirgelinta hannaanka doorashada, waxaana uu safaro ku tagi doonaa xarumaha Dowlad Goboleedyada, si xa loogu helo is mari waaga taagan.