Dowladda Uganda oo maanta Doorasho ka bilaabanaysa.

KAMPALA:-Dalka Uganda waxaa saaka ka bilaabatay doorashada madaxtinnimada ee dalkaas oo ay ku tartamayaan madaxweynaha haatan talada dalkaasi haya Yuweri Musaveni iyo fannaanka hore ee Bobi Wine.

Internet dalkaas aya agabi ahaanba la jaray iyada oo ay ciidamada dowladdu ilaalinayaan goobaha codbixinta.

Goobaha codbixinta qaarkood ayaa lagu soo warramayaa in xilli dambe la furay halka qaarka kalena aan dhakhso la geynin agabkii ay dadweynuhu codka ku dhiiban lahaayeen.

Madaxweyne Museveni oo muddo 35 sano ah dalkaasi xukumayay ayaa markii lixaad xusul duub ugu jira in uu kursigaasi sii heysto isaga oo baratan adag kula jira fannaanka heysta shacbiyadda dhallinyada dalkaas ee Bobi Wine.

Ilaa 18 milyan oo qof ayaa isu diiwaangelisay codbixinta tartanka madxtinnimo ee dalkaas iyada oo codbixintu soo xirmi doonto 4:00 galabnimo.

Bobi Wine ayaa isagu saaka codkiisa ka dhiibtay xarunta fagaaraha xuriyadda Kampala oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen taageerayaashiisa oo aad u xamaasadeysan.