AFRICOM oo Duqeyn ku Dishay Xubin ka Tirsanayd Al-Shabaab.

WASHINTON:-Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa warsaxaafeed uusoo saaray ku sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay Arbacdii weerar dhanka cirka ah ka fuliyeen deegaanka Buulo Fulaay ee gobolka Bay.

Qiimeyn hor dhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaysa in weerarka lagu dilay howlwadeen ka tirsan al-Shabaab laguna burburiyay xarun ay halkaasi ku lahaayeen.

Lama sheegin magaca iyo shaqada uu kooxda u qaabilsanaa qofka la dilay.

Warkan kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalkasi.

“Weerarka Buula Fulaay iyo weerarradii kale ee dhowaanahanba waxay muujinayaan go’aankeenna aan ku burburinayo awoodda Alshabaab ay halista ku galin karaan Soomaaliya iyo dariskeeda” ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan ciidanka cirka ee Mareykanka islamarkaana ah ah taliyaha howgalka qaaska ee taliska Adrica. Waxuu intaasi ku daray “In iyaga iyo saaxiibadooda ay qorsheeyeen in aysan Alshabaab u reebin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan”.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka wadajirka ah ee uu taageerayo Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika iyo dadaallada caalamiga ah kor loogu qaadayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Rabshadaha ururrada xagjiriinta ee sida al-Shabaab oo kale ayaa muddo dheer halis ku ah Mareyaknka iyo danihahiisa gobolka.