Maamulka Somaliland oo Dad Badan u Xirtay Weerarkii ka Dhacay Laascaanood.

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa habeenkii xalay aheyd howlgal ballaaran waxaa ay ka saameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu tuuray goob ay ka socotay diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland.

Dadka lagu qabtay howlgalka ayaa waxaa lagu xiray Saldhig Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyihiin Magaalada Laascaanood, isla markaana waxaa la sheegay in raggaas ay socdaan baaritaano.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dhawaqa gambadii xalay la maqlay, kadibna ay xigtay rasaas badan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Somaliland oo xiligaas aaga ka agdhawaa.

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarka, waxaana saaka degan xaaladda, iyadoo Ciidanka Booliska ay la wareegeen gacan ku heysta goobtii la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ay uga hadlayaan weerarkii ka dhacay Laascaanood, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Magaalada ka socotay diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha doorashada Somaliland.