RW Rooble oo Madaxda Warbaahinta Kala Hadlay Tebinta Doorashooyinka

MUQDISHO:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay madaxda warbaahinta ayaa kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tebinta arrimaha doorashooyinka.

Mudane Rooble ayaa hormuudka warbaahinta dalka ku boorriyay in ay adkeeyaan doorkooda wacyigelinta bulshada

“Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxa ay kaalin mug leh ka soo qaateen dhismaha dowladnimada,nabadeynta,wargelinta iyo wacyigelinta bulshada,howshaas oo ay dhimasho & dhibaatooyin kale u muteen. Xilligan oo dalku doorasho galayo waxaan ku dhiirrigalinayaa in ay doorkooda ka qaataan jiheynta iyo xogsiinta bulshada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigay barta xafiiska ra’iisul wasaaruhu ku leeyahay Facebook.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda warbaahinta ugu baaqay in ay xil iska saaraan sidii ay u muujin lahaayeen dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo masuuliyaad ku aaddan tebinta arrimaha doorashooyinka.

Kulanka uu ra’iisul wasaaruhu la yeeshay warbaahinta ayay goobjoog ka ahaayeen madaxda warbaahinta madaxa bannaan iyo midda dowladda.

Soomaaliya ayay ka howlgalaan warbaahin farabadan oo madax bannaan iyada oo marar badan dood laga keeno hannaanka ay u shaqeyso warbaahinta oo lagu eedeeyo xirfad xumo iyo la kala safashada dhinacyo is haya.