Museveni: Maxaysan ninkan ugu filneyn 35 sano oo madaxtinnimo ah?

Dadka Uganda ee ay da’doodu ka yar tahay 35 sano- waa in ka badan kala bar bulshada – ayaa keliya yaqaannay hal madaxweyne.

Yoweri Museveni, oo xilka qabtay xilli kacdoon ciidan uu jiray sanadkii 1986, ayaa si cad uga soo horjeestay shuruucda siyaasadeed ee isku dheellitirka ee ay soo afjareen hoggaamiyeyaal kale oo muddo dheer xil ka hayay gobolka.

Muddadii uu 76 jirkan xilka hayay waxay dadku ku naaloonayeen nabad iyo isbeddello waaweyn oo horumarineed kuwaasoo ay dad badan ay abaal uga hayaan. Balse wuxuu sidoo kale abuuray arrimo ay ka mid yihiin xakameynta waaxaha madaxa bannaan iyo gacan bidixeynta mucaaradka.

Intii lagu guda jiray doorashadii ugu dambeysay shan sano ka hor markii uu ka hadlayay arrinta ku saabsan inuu xilka ka dego, wuxuu is weydiiyay: “Sidee ayaan uga tagaa beer moos ah oo aan abuuray taas oo bilowday inay miro soo bixiso?”

Jimicsiga madaxweynaha

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u taagan yahay astaan aabbenimo iyo mid awownimo.

Dad badan oo reer Uganda ah ayaa madaxweynaha ku naaneysa “Sevo”, isaguna wuxuu si farxad leh ugu yeeraa Bazukulu (oo luqadda Luganda la micno ah carruurta uu awoowaha u yahay).

Balse madaxweynaha oo nin qoys ah iskuma arko inuu yahay qof ay da’du ka daba timid, isagoo ku dangiigsanaya kursigiisa uu jecel yahay isla markaana ay hareeraha ka joogaan carruurtiisa iyo kuwa uu awoowaha u yahay.

Ololihii markii lixaad ee xilka madaxtinnimada, oo ay u muuqato inuu hore ka bilaabay kaddib doorashadii hore, wuxuu horumar ku sameynayay dalka, isagoo furay warshado, waddooyin iyo suuqyo cusub oo uu xarigga ka jaray.

Isla markaana isaga oo isha ku haya, 38 jirka hore fannaanka u ahaa Bobi Wine, Mr Museveni wuxuu muujinayay awooddiisa qofnimo. Bishii April, isaga oo dhiirrigelinaya jimicsiga inta lagu guda jiro xayiradda waxaa dhowr jeer laga duubay muuqaal isaga oo jimicsi sameynayay, dhowr jeerna wuxuu bishii November jimcisgaas ku hor sameeyay arday badan oo u riyaaqayay.

“Haddii uu aabbahaa ku jecel yahay, waa inuu horumar ku gaarsiiyaa. Shanta sano ee soo socota, ‘Sevo’ wuxuu hubin doonaa marka aan iskuulka dhammeyno, inaan helno shaqo,” ayay tiri Angela Kirabo oo 25 jir ah, iyadoo taabaneysa arrinta shaqo la’aanta dhalinyarada oo ah walaaca ugu weyn.

Gabadhan oo ka qalin jebisay jaamacadda baratayna dhaqaalaha waxay ku soo kortay qoys taageero weyn u haya xisbiga talada haya (NRM). Waxay aaminsan tahay in 35 sano kaddib uu weli madaxweynuhu hayo wax badan oo uu qabto.

Xadka da’da oo la beddelay

Mid ka mid ah saaxiibbadiisa ugu dhow iyo la taliyeyaashiisana ka mid ah, John Nagenda, ayaa sheegay in nafhurnimada Mr Museveni ay sabab u tahay sida uu u kasbaday daacadnimada.

“Wuxuu u diyaarsanaa inuu u dhinto Uganda. Waxaan dhihi karaa aad baan u nasiib badannahay inaan isaga heysanno,” ayuu yiri ninkan 82 jirka ah.

“Inta badan dadka aan aqaanno ee madaxweyneyaasha ahaa, waxay doonayeen inay naftooda u shaqeystaan; waxay rabeen ammaanta. Balse Museveni wuxuu doonayay inuu wax u qabto dalka iyo qaaradda … waa nin ay ku dheer tahay Afrikaannimada.”

A woman in a mask in front of a mural
  • 17.4mDadka u diwaangalsan inay codeeyaan
  • 11Tirada musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxtinnimada
  • 1ka mid musharrixiinta waa dumar
  • 5Xilli doorasho ayaa la soo dortay Yoweri Museveni
  • 50% iyo hal codayuu u baahan yahay musharrax si u wareega kobaad u guuleysto
  • 529xildhibaan ayaa sidoo kale la soo dooran doonaa

Source: Uganda electoral commission

1px transparent line

Dhanka kale dastuurkii 1995 wuxuu dhigayay in madaxweynaha uusan xil u tartami karin mar kale wixii ka dambeeyay sanadkii 2005.

Dabcan, waxaa markii hore loo heystay inuu ka soo horjeeday inuu xilka sii hayo, isagoo ka meermeeri jiray su’aalaha, isla markaana oran jiray inuu ka door bidayo inuu beertiisa ku laabto.

Weriyaha William Pike, oo mar loo arki jiray inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha iyo NRA, ayaa buuggiisa ku sheegan sida uu madaxweynuhu uga carooday markii kulan casho sanadihii 1990-meeyadii lagu weydiiyay inuu doonayo inuu xilka sii hayo inta ka harsan noloshiisa iyo in kale.

“Museveni ayaa yiri: ‘Dabcan maya’, balse wuxuu aad uga xanaaqay waxa uu u qaatay aflagaaddo dhab ah. Ma ahayn mid uu jilayay. Xilligaas runtii ma uusan ku fekereynin inuu xilka sii hayo,” ayuu buuggiisa ku qoray Mr Pike.

Balse wax baa maskaxdiisa beddelay sanadkii 2004, inkastoo aysan caddeyn waxa beddelay, xildhibaannadiisa ayaa soo jeediyay in dastuurka la beddelo si meesha looga saaro xaddidaadda da’da madaxtinnimada.

Kaddib waxaa u suurto gashay inuu xilka u tartamo ilaa uu gaaro da’da 75 jir.

Haddana kaddib December 2017, caqabadda xadka da’da ee musharraxa madaxtinnimada ayaa sidoo kale laga saaray dastuurka – taas oo fowdo ka abuurtay dhismaha baarlamaanka iyadoo booliisku uu galay dhismaha.

Dad badan ayaa arrintaas u arkay waddo uu xisbiga NRM ugu oggolaanayo in Mr Museveni uu madaxweyne sii ahaado inta uu nool yahay.

La yaab ma aha in baarlamaanku uu dareemay inuu ku qasban yahay inuu u codeeyo hoggaamiyaha muddada dheer xilka haya. Sida ay xildhibaannadu ugu caabboon yihiin u hoggaansamidda isbeddellada waxay la xiriirtaa inay dareemayaan inay xillalka u hayaan madaxweynaha.

Caqabado yar oo ay xukuumaddu la kulantay

Bulshada ayaa taageero badan u heysa madaxweynaha.

Waxay xukuumaddu mararka qaar haweenka u sameysaa barnaamijyo horumarin ah, iyadoo shaqooyinka dowladdana bixisa. Dal 15% dhalinyaradiisa ay shaqo la’aan yihiin iyo in ka badan 21% bulshadana ay ku nool yihiin saboolnimo, ayay dad abdan wali u arkaan xisbigiisa inuu dalka ka badbaadin kara saboolnimada.

Balse taageerayaashiisa ayaa horumarinta Uganda u arka sabab wanaagsan oo shan sano oo kale lagu siin karo Mr Museveni.

“Haddii aad ka timaaddo waqooyiga iyo bariga waad dareemi kartaa in guul weyn laga gaaray nabadda. Muddo 20 sano ah gobolladaas waxaa hareeyay dagaal,” ayuu yiri 28 jirkan lagu magacaabo Jacob Eyeru, oo hoggaamiya Golaha Qaranka ee Dhalinyarada.

Isagoo garwaaqsanaya in shaqo la’aantu ay tahay walaaca ugu weyn, ayuu intaas ku daray in NRM “uu horumariyay dhaqaalaha oo uusan keliya ka dhigin mid la tartama gobolka balse uu ka dhigay mid dunida la jaan qaada”.

Museveni supporter
Iyadoo ay jiraan isbeddelladaas wuxuu sidoo kale wiiqay madax bannaanida qaar ka mid ah hay’adaha dalkaas si loo hubiyo in caqabado yar uun ay ku yimaadaan dowladda.

Waaxda caddaaladda ayaa sanadihii la soo dhaafayna lagu eedeeynayay inay shaqaaleysiisay xaakimiin daacad u ah dowladda.

Markii ay xaakimiintu qaataan go’aanno madax bannaan, waxay mararka qaar isku dhacayeen dowladda.

Tusaale ahaan, 16-kii December 2005, ciidamo aad u hubeysan ayaa galay Maxkamadda Sare ee ku taalla caasimadda Kampala, waxayna dib u soo xireen xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin koox mucaaradka ah, kuwaasoo lagu waayay eedeymo lagu soo oogay.

“Waxay xaruntii nabadda ahayd u weeciyeen tiyaatar dagaal,” ayuu yiri gabay uu tiriyay Xaakim James Ogoola ku yiri.

Marka ay timaaddo ka hor imaanshaha natiijada doorashada, garta tartan walba oo madaxtinnimo, marka laga reebo kii 2011, waxaa lagu qaadaa maxkamadda. Dhammaan kiisaska, maxkamaduhu waxay xukmiyeen in eedeymaha wax is daba marintu aysan ahayn kuwo ku filan in doorashada wax kama jiraan lagu tilmaamo.

Madax bannaanida warbaahinta ayaa sidoo kale qalqal la geliyay.

Uganda waxaa ku yaalla boqollaal raadiye iyo telefishinno gaar loo leeyahay, wargeysyo, iyo bogag hoos taga Mr Museveni.

“Berigii hore, xilkasnimo buuxda ayuu maamulku lahaa kaas oo u dulqaadan jiray aragti ka duwan isla markaana awooday inuu la loollamo kuna khilaafo,” ayuu yiri Daniel Kalinaki, oo ah Maamulaha Guud ee Kooxda Warbaahinta, oo ku sugan Kampala.

Balse xarumo ayaa la weeraray waxaana la xiray weriyeyaal sida uu sheegayo Mr Kalinaki.

Balse waxa ugu muhiimsan muddada dheer ee uu Mr Museveni xilka hayo waa habka loo aamusiiyay koox walba oo mucaarad ah.

Taageerayaasha mucaaradka oo la toogtay

Iyadoo ay caddaatay in 20 sano kahor uu doonayay inuu xilka sii hayo, qaar ka mid ah xulafadiisii hore ayaa ka goostay. Ciidamada ammaanka oo iska dhigaya booliis, ayaa mucaaradkaas ku taagay qoryahooda.

Kizza Besigye oo ka tirsan mucaaradka, marna ka mid ahaa dhaqaatiirta Mr Museveni, ayaa markii ugu horreysay la tartamay dooarshadii 2001. Waa la xiray waxaana lagu soo oogay eedeymo badan, oo ay ku jiraan kufsi iyo tacaddi, balse lama xukumin ilaa iyo hadda.

Bobi Wine campaigning
Iyadoo hadda Bobi Wine, oo ah fannaan magaciisa saxda ah uu yahay Robert Kyagulanyi, uu loollan adag kula jiro xukunka madaxweynaha, wuxuu noqday siyaasigii ugu dambeeyay ee wajaha ciidammada.

Xildhibaanka, oo soo jiitay dhalinyaro badan, ayaa magaalada waqooyi-galbeed ku taalla ee Arua lagu xiray sanadkii 2018. Waxaa kaddib lagu eedeeyay khiyaano balse markii dambe waa laga laabtay dacwaddaas.

Ololihii oo doorashadan ugu jiray, booliiska ayaa xiray, sunta gaaska ka ilmeysiisa u adeegsaday isla markaana toogtay isaga iyo taageerayaashiisa, iyagoo lagu eedeeyay inay baal mareen xayiraadda coronavirus.

Intii lagu jiray labo maalmood oo olole ah bishii November kaddib xiritaankii Bobi Wine, 54 qof ayaa la dilay, oo badankood la rumeysan yahay inay dileen ciidamada ammaanka.

In adigoo ku sugan Uganda aad madaxa kor u soo qaaddo waa ikhtiyaar geesinnimo leh, qof walba oo doonaya inuu la tartamo Mr Museveni waxaan shaki ku jirin inuu wajahayo dhibaato.

Muddada 35 sano ah ee uu xilka hayo, wuxuu ku fadhiistay halka ugu sarreysa awoodda oo uu isaga keliya wax walba maamulo. Wuxuu sidoo kale ku guuleystay inuu dib u habeyn ku sameeyo naftiisa.

Halkii uu mar ka ahaa xiddigga siyaasadda intii uu ku jiray da`da 40-meeyada, hadda cid walba oo dooneysa inay xilkaas qabato waxay isu nugleyneysaa inay la kulanto caradiisa.

Xigasho:BBCSomali