Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabaas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen saraakiil ka tirsan hogaanka taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera tababarka ciidamada, iyagoona howlgallo duqeyn u badan ka fuliya deegaanada ay maamulaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Dhinacyadaasi waxay ka wada hadleen sidii dowladda Mareykanka ay u xoojin leheed tababarada la siiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab iyo dardargalinta dagaalada looga horjeedo kooxaha argagixisada.