Gen Biixi “Wiilasha Kenya la shaqeeya waa Cafis oo way kusoo laaban karaan Balad xaawo”.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Balad xaawo waxa uu ka dalbaday in ay dib usoo celiyaan dhalinyarada Degmadaas ee dhanka Kenya ugu maqan abaabulka Ciidan sida uu hadalka u dhigay.

Gen. Biixi ayaa sheegay in isaga oo wakiil ka ah Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu cafiyay dhalinyaradaas haddii ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in Kenya ay maskaxda ka qalatay si ay ugu adeegsato in ay kahor geyso Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Dhulkax XDS.

“Annaga diyaar uma nihin in dagaal aan galno, ma dooneyso in dhalinyarada Soomaaliyeed uu cadawgu iska hor keeno, Waalidiin ayaad tihiin ee lasoo baxa dhalinyaradiina waana cafis cid qabsaneyso ma jirto, xitaa haddii ay doonayaan kamid noqoshada ciidanka Dowladda in aan ku biiriyo oo aan tababarno” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen. Maxamed Tahliil Biixi.

Gen. Biixi Waxa uu sheegay in aan qadiyadda dhulka ku xirneen dowladda joogta balse ay tahay arrin waajib guud ah oo Soomaalida dul saaran, sidaas awgeed ayuu soo jeediyay in madaxbannaanida dalka aan laga dhigin shaqo gaar ugu taal shaqsiyaad ama madaxda talada heysa.

“Madax bannaanida dhuleed kuma xirna Dowlad ama shaqsiyaad balse waa dan guud oo waajib ku ah, maadaama la badali karo Dowladda, lama badali karo Calanka, Dhulka & Nidaamka, sidaas awgeed waa muhiim in la ilaaliyo dalka oo la difaaco” ayuu sii raaciyay Taliye Biixi.

Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ku sugan Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, Ciidamo ayaa maalmihii lasoo dhaafay la geeyay, kadib markii Dowladdu ay ku dooday in ay kahor tageyso jabhado Kenya ay ku diyaarisay Mandheera.