Deg Deg: Faah faahin la xiriirta Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho.

Qarax Miino ayaa goor dhow lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo marayay agagaarka Xoosh degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Ciidanka Qaraxa lala eegtay ayaa ka yimid dhanka degmada Kaxda, waxaana ay kusoo jeedeen gudaha Magaalada.

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxa wararka qaar ay sheegayaan in lala beegsaday taliye ka tirsan booliska degmada Kaxda.

Dadka dhaawacmay ayaa u badan shacabka ah, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.