Xasan Sheekh “Haddii la qabto doorasho ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland, dalka waxaa..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Go’aankii Xukuumadda qaadatay ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashooyinka dalka ka dhaceysa ee horey heshiiska looga gaaray.

Xasan Sheekh oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dalka uu xaalad adeg galayo haddii la qabto doorasho ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayna Madaxda dowladda ku socdaan go’aankaas oo hal dhinac ah.

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in weli aysan wax jawaab ah ka gelin Madaxda dowladda Federaalka ee ku aadan arrimihii loo balansanaa ee ku aadan xal ka gaarista khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

“Midnimada dalka ayuu khatar gelinayaa go’aanka halka dhinac ee maanta dowladda ku go’aamisay in doorasho ay aadaan qeyb ka mid ah dalka, ayadoo la leeyahay qaad waa laga maarmaa ama loo joojin maayo qeybaha kale” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Musharax Madaxweyne Xasan ayaa waxaa uu yiri “Madaxweynaha sidii ruuxaantii dadka yuusan ka soo dhex hadlin ee bannaanka ha yimaado, haddii shalay doorashooyinkii ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay”.

Musharaxiinta Madaxweynah Soomaaliya ayaa xalay shir deg deg ah ka yeeshay Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashada dalka, xili weli muran xoogan uu ka taagan yahay, sidoo kalena maamulada Jubbaland iyo Puntland ay weli tabashooyin ka qabaan doorashada.