Maamul gobolka Banaadir oo dadaal ugu jira ka hortagga bur bur ku yimaada waddooyinka Muqdisho.

Muqdisho:– Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa diyaar garoow adag ka gashay sidii loo carro bixin lahaa dhuumaha qaado biyaha roobka ee magaalada dhexdeeda.

WaaxdaJidadka iyo Bulaacadaha oo kaashaneyso madaxda sare ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaar garow ugu jiro ka hortaga daadad ka dhalan karo roobabka la filaayo bilaha nagu soo aadan.

Shaqaalaha Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa dadaal xooggan ku bixinaayo shaqo aad u adag si looga hortago burbur ku yimaado qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.