Howlgalo ciidamadaDowladda ku baacsanayaan maleeshiyada Al-Shabaab oo socda.

Muqdisho:- Wasiiir ku xigeeenka wasaaradda Gaashaandhiga XFS Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in wasaaraddu ay wado howl galo lagu baacsanayo kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab degaanada ay kaga suganyihiin dalka isagoo sheegay in howl galku uu sii socon doona ilaa inta guusha ugu dambayso laga gaari doono .

Wasiir ku xigeenka ayaa sido kale sheegay in howla galadaani ay u kala qaybsami doonaan dagaal toos ah iyo duqayn dhanka cirka ah iyo mid miino baaris taasi oo looga hortagi doono qatarada ay nabadiidku umaleegayaan umadda Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in howl galadii ugu dambeeyay oo ay ciidamadda Xoogga dalka ay seemeeyeen lagu burburiyay idaacadii ku hadli jirtay afka argagixisadda ee Andulus.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa sheegay in ciidamadda Xoogga Dalka ay bartilmaameedsan doonan fariisin walba oo ay leeyihiin kooxda nabadiidka ee Al-shabaab.