Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay go’aansatay hirgelinta doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Doorashooyinkan oo wali uu muran ka taagan yahay ayaa xukuumadda federaalka waxay sheegtay in iyada iyo qaar ka mid ah maamul gobaleedyada ay arrintaas isla garteen.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayna isla garteen oo ay go’aansadeen in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

.

“Socdaallaadii aan ku tegay maamulada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug waxay qeyb ka ahaayeen dedaaladii aan ku doonayay in dalka doorasho loo jaheeyo, wixii tabasha ahna si xilkasnima leh looga wada xaajoodo, si taas looga guul gaaro, xukuumadda federaalka waxay go’aansatay in lagu guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wax alle wixii carqaladeyn kara fullinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho sanadkii 2020-ka”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Roble.

.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay madaxweynaha Galmudug oo sheegay in markii uu dhawaan tegay Garowe madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland ay ka aqbaleen dhexdhexaadin.

“Waxay isoo dhiibeen qoddobo saddex ah oo ay ka dalbanayaan madaxda dowladda federaalka inay fulliyaan, si loo soo afjaro tabshooyinka ay ka qabaan arrimaha doorashooyinka, kadib waxaa shir la galay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roble, intaas kadib waxaan dib ugu celiyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland go’aanka madaxda federalka ee doorashooyinka, si halka hadda la taagan yahay looga dhaqaaqo, dalkana ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo wkahtigeeda ku qabsoonto, waxaan rabaa in aan halkaan ku caddeeyo in wali wax jawaab ah aysan kasoo noqonin saaxiibadey, madaxda Jubaland iyo Puntland iyo dhinacyadii kale”, ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda waxa uu ka dhigan yahay go’aanka dowladda iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada oo doonaya in dalka ay ka dhacdo doorasho aysan qeyb ka ahayn maamulada Jubaland iyo Puntland, sidoo kale ay saluugsan yihiin dhammana musharrixiinta mucaaradka.

Dhanka kale wax war ah oo arrintaan la xiriira wali kama soo bixin maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta kale ee u hanqal taagaya xilka madaxtinimada Soomaaliya oo in badan oo kamid ah wax ka tabanayay hannaanka doorashooyinka loo marayo.

Xigasho:BBCSomali