Madaxweyne Trump: “Kama Qeybgeli Doono Caleema-saarka Joe Baiden”

WASHINGTON:-Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu ka qeybgeli doonin munaasabadda caleema saarka madaxweynaha la doortay ee dalkaas Joe Baiden oo dhacaysa 20-ka bishan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi  “Dadka I weydiinaya oo idil waxaan ugu jawaabayaa, kama qeybgeli doono caleema saarka 20-ka January”.

Hadalka Trump ayaa yimid saacado kaddib markii uu qoraal kale uu si dadban ugu sheegay in lagaga adkaaday doorashada isaga oo ballanqaaday in uu si nabadgelyo ah xilka ku wareejin doono xilli maalmihii dambe ay sii kordhayeen cadaadiska xil wareejintiisa.

Rabshadihii lagu weeraray xarunta Kongareska Arbacadii ayaa timi kaddib markii uu madaxweyne Trum taageerayaashiisa ugu baaqay in ay ka biyo diidaan natiijada doorashada xilli goluhu meel marinayay guusha madaxweyne Baiden.