Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay howlgal laga fuliyay Shabeellaha Hoose.

Howlgal qorsheeysan ayay Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaan 18 km u jira deegaanka Toora tooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxay sheegeen in Ciidanka kumaandooska ku bur-buriyeen gaari waxyaabaha qarxa ay ku diyaarinayeen Al-Shabaab kaasi oo ay doonayeen inay weerar qorsheysan ku fuliyaan.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in sidoo kale ciidanka gaarka ah ee kumaandooska xoogga dalka DANAB ay nolosha ku qabteen Sadex Xubnoo oo gaariga qaraxa ku diyaarinayay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalka qorsheeysan uu ahaa kadib markii ay ka warheleen in Al-Shabaab ay gaari ku diyaarinayaan waxyaabaha qarxa kaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada ay maamulaan.