Dowladda Itoobiya oo Dishay Masuuliyiin Ka Tirsan Jabhadda TPLF.

ADDIS ABABA:-Taliska milatariga federaalka Itoobiya ayaa shaaciyay in ay howlgal ku dileen masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa xoreynta Tigray ee TPLF.

Ragga la sheegay in la dilay waxaa ka mid ah taageeraha caanka ah ee TPLF, Sekoture Getachew, Daniel Assefa, oo ahaa madixii hore ee laanta maaliyadda Tigray, Zeray Asgedom, oo ahaa madixii hore ee maamulka warbaahinta Itoobiya iyo Abebe Asgedom.

Bayaan uu soo saaray mas’uulka ugu sarreeya waaxda ciidan diridda Itoobiya, Janaraal Tesfaye Aylew, ayuu ku sheegay in sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsanaa TPLF la xiray kuwaasina sida uu sheegay, waa Kidusan Nega, afhayeenkii hore ee maamulka gobolka, Abadi Zemu, danijirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Suudaan, Solomon Kidane, Teklewayini Assefa, Gebremedhin Tewolde, Woldegiorgis Desta, Tewodros Hagos iyo Mihret Teklay.

Ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya dilalka iyo xarigga ay dowladda Itoobiya sheegatay.

Dowladda ayaa xayiraado adag kusoo rogtay warbaahinta gobolka Tigray, taas oo meesha ka saartay in si rasmi ah loo ogaado waxa ka socda halkaas sidoo kale gobolkaas ayaan loo fasixin in ay ka howl galaan shaqaalaha hayadaha gargaarka.

Dowladda ayaa bishii November soo saartay amar lagu soo xirayo in ka badan 60 sargaal oo ka mid ah saraakiisha sare ee TPLF.

Waxaan ilaa hadda meelna lagu sheegin qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha TPLF – oo uu ku jiro guddoomiyahooda, Debrestion Gebremichael.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bishii November ku dhawaaqay in lasoo afjaray howlgalkii milatari ee ka socday gobolka Tigray kaddib markii ay ciidamada federaalka gacanta ku dhigeen caasimadda gobolkaas ee Maqalle.