Danyarta Xaqooda hala tixgalyo!!!=Faall=

Subaxdaan Dadkii Danyarta ahaa ee ku ganacsanayay Gudaha Deg. Xamar weyn meel u dhaw Xarunta Gobalka, Dadkaa oo u badnaa Haween, ayaa intii eyna soo shaqa tagin, waxaa la burburiyay Kabaradii iyo Gaarigacanadii ey ku ganacsanayeen.( F.S: 1-4aad)
Goobtu waxa ey aheeyd Waddo xiran oo gaadiidka Dadweynuhu uuna isticmaalin.
in kasta oo Maalin kasta ey Cashuurta bixiyaan, Haddana waan ogahay in Sharci darro ey ku deganyihiin Goobahaa, oo ey dani ku qasabtay, Laakin Dowlada hoose waxaa ku waajib ah in ey Tixgaliyaan Xaaladaha Dadkaa Danyarta ihi ey ku suganyihiin.
waxaan Xasuustaa mar Roob da’ay oo ey Biya galeen Xaafadda ka horeeysay Xarunta Deg. Howlwadaag Sannadihii 70 yeedii , Madaxdii Qaranka ayaa timid Dadkii waxaa si ku meel gaar ah loo dejiyay Dugsiga H/wadaag, Ardaydiina waa la fasaxay, waxaa la tixgalinayay xaaladda Dadku ku ey sugnaayeen.
ma filayo in Dadkaan Danyarta ah loo hayo Goobo ey ku ganacsadaan, waa Dad la tacaalayo Nolol Maalmeedkooda, mana jirto Baahi hadda loo qabo goobta ey ku ganacsadaan.
Codsi:
Waxaan ka codsanayaa Dowlada Hoose in ey Ixtiraamto Hantida Dan yarta oo si naxariis leh loola dhaqmo Dadka, lana ilaaliyo hantidooda marka ey ka maqan yihiin, Digniina la siiyo, Goob ey ku ganacsadaana loo raadiyo, inta ka horeysana la tixgaliyo Duruufaha heysto Danyartaa Cashuurta bixso.
Dowladu waxa ey u shaqeysaa Maslaxadaa Shacabka, Duruufaha markaa jiro in ey ka saaciddo iyo sidii ey u maareey lahaayeen Dadweynuhu Nolol Maalmeedkooda.
waxaan mar kale si naxariis leh uga codsanayaa Dowladda Hoose in ey tixgaliso codsigeyga.
Mahadsanidiin.
Qore: Yahya Amir