COVID-19: Xaaladda Magaalada London oo Faraha Ka Baxday

LONDON:-Duqa magaalada London ee dalka Ingiriiska, Sadiq Khan ayaa sheegay in faafitaanka xanuunka COVID-19 ee magaalada uu faraha ka baxay xilligan.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saartay hay’adda caafimaadka ee dalkaas ayaa lagu sheegay in boqolkii kun  ee qofiba kun ka mid ah uu haleelo xanuunka.

Sadiq Khan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 20 kii qof ee reer London ah mid kamid ah uu qabo xanuunka Korona.

Khan ayaa sheegay in dad ka badan 7.000 oo ruux ay haatan jiifaan halkaasina lagaga dabiibayo xanuunka Koofid.

Adeegga gurmadka degdegga ee London ayuu sheegay in maalin walba ay helaan ilaa 8.000 oo wicitaan oo wicitaan xaalado degdeg ah.

Waaxda caafimaadka London ayaa iyana xaaladda ku macnaysay mid halis aad u weyn iyada oo dadweynaha ugu baaqday in ay yareeyaan xariirkooda tooska ah iyo dhaqdhaqaaqyada intuba, halka mudane Khan uu isna sheehay in London ay mareyso xilli adag.

Ugu dambeyn duqa London ayaa sheegay in ay habboon tahay in si degdeg ah tallaabo looqaado xilli{ayuu yiri} hay’adda caafimaadku xaalku ku sii adkaanay taasoo sababi karta in geeriduna sii badato.