Xaaladda Xuquuqal Insaan Ee Somaliland Oo Laga Dayriyay Iyo Warbixinta Sanadka 2020

Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa bannaan ee Somaliland HRC oo soo saartay warbixinteeda sannad-laha ah ee xaaladda Xuquuqal Insaan ee dalka ayaa ka dayrisay dhibaatada dalka ka taagan gaar ahaan dhinacyada Cabudhinta rayiga xorta ah, xadhiga warbaahinta madaxa banaan, ishortaaga mudaharaadyada sharciga ah iyo xadhigyo aan loo meeldayin oo in badan ay bulshadu la kulanto kuwaasi oo ay dhammaantood xaruntu ku sheegtay kuwo aan marnaba waxba iska baddalin tan iyo muddo dheer oo dalku ku soo jiray xaaladdan.

Warbixinta Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa bannaan ee HRC waxa ay ku sheegtay in tacadiyada xadhiga ah ee ay dawladdu dadka kula kacdaa noqdeen kuwo aan sharci ahayn waxaanay sheegtay in sannadkii tagay ee 2020 ay diiwaan galiyeen 60 Kiis oo xadhig ah oo dhamaantood ahaa kuwo ku dhacay sifo sharci darro ah.

Warbixinta Xaaladda Xuquuqal Insaan ee xarunta HRC oo nuqul ka mid ah ay soo gaadhsiiyeen Wargeyska Foore waxa ay u dhignayd sidan: “Maanta oo bishu tahay 31 December 2020, Xarunta  Xuquuqal Insaanku waxay soo saartay war bixin sanadeedkeedii Xuquuqal Insaan ee sanadka 2020. Warbixinta Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa banaan ee 2020, waxa ku xusan arimo dhowra oo dhamaantood laxidhiidha tacadiyo xuquuqal iinsaan oo dalka ka dhacay sanandkan.

Waxa jira xaalado aan isbadal lahayn oo la xidhiidha arimaha Xuquuqal Insaanka, lagasoo bilaabo 2013 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay diiwaan galinaysay tacadiyo Xuquuqal iinsaan oo dalka gudihiisa ka dhacayey  ilaa mudadaasna manajiro wax is badal ah oo muuqda.

Cabudhinta rayiga xorta, xadhiga warbaahinta madaxa banaan, ishortaaga mudaharaadyada sharciga ah iyo xadhigyo aan loo meeldayin oo in badan ay bulshadu la kulanto ayaa waxay noqdeen wax caado ka ah Somaliland gudeheeda.  Waxay xaruntu sanadkan diiwaan galisay 60 qof oo dhamaantood sifo sharci daro ah loo xidhay.

Dadkaasi waxay isugu jiraan 14 suxufi iyo 46 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn.

Waxa xukun kudhacay hal suxufi oo ah Cabdirahmaan Cali Xiddig. Sidoo kale waxa sanadkan laxayiray laba warbaahinood, iyadoo ay muuqdeen ganaaxyo aan sharci ahayn oo lasaaray labadaa warbaahinood ee laxayiray. Dadka kale ee aan Suxufiyiinta ahayn ee laxidhay waxa ka mid ahaa Maxamed Abiib Yuusuf, Cabdiraxmaan Maxamed Daahir, Cabdiwahaab Cismaan Cumar iyo Cabdirisaaq Maxamed Ibraahin, dhamaantoodna waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen. Mudo ka bacdina  waa lasii wada daayay. Arintaasina waxay runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyada Somaliland.

Waxa sidoo kale warbixinta ku xusan xadhigyada sharci darada ah ee had iyo goor bulshadu la kulanto iyo sixitaan la aan ta garsoorka. Tusaale ahaan, waxa Xaruntu diiwaan galisay Hooyo 50 jir ah, oo mudo 60 cisho ah u xidhnayd sabab ah danbi inankeeda lagu tuhmay inuu galay. Xadhig yadaa waxa had iyo goor fuliya booliska waxana meesha ka maqan sixidii garsoorku ku samayn lahaa , gef ka sharci ee boolisku ku kaco. Sidoo kale Xaruntu waxay diiwan gelisay laba qof oo boolisku ku dhawacay dhul in muddo ah ay degenaayeen oo ku yaala galbeedka magaalada Hargeysa. Dhul kaas oo ay sheeganayaan qoyska Madex waynuhu.

Majiro cid falkaa loo maxkamadeeyay ama wax magdhow ah oo arinkaa laga bixiyay. Arinkaasina waxa uu runtii si weyn ukhilaaf santahay Dastuurka Jamuuriyada Somaliland. Warbixinta waxa kale oo ku jira tacadiyada xaga jinsiga ee ka dhanka ah haweenka. Waxa  mudooyinkan danbe soo badanayey tacadiyo la xidhiidha kufsi oo ay  haween badani waajahayeen, iyadoo weliba dhawaanahan  ay soo koradhay arin cusub oo werwerkeeda lihi taasoo ah haween lagula kacay kufsi iyo dil wada socda.

Mana jiro xeer u gaara  oo arinkaas lagu xakameeyaa ama lagula tacaalaa.

Talo soo jeedin:

Ugu danbeyn Xaruntu waxay Dowladda Somaliland usoo jeedinaysaa arimahan hoos ku xusan.

  • In la joojiyo xadhiga lakula kacayo warbaahinta madaxa banaan.
  • In la joojiyo xadhiga alaaba lagula kaco dadka dowlada dhaliila
  • In dadka loo ogolaado inay mudaharaadyo isugu imaadaan iyadoo laxaqdhowrayo xuquuqdooda dastuuriga ah.
  • In booliska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifoyinka siyaasadaysan ee booliska marar badan loo adeegsado.
  • Sidoo kale dowladu waa inay joojiyo dadka danyarta ah ee ay sifaha sharciga khilaadsan dhulalka uga kicinayso.
  • Ugu danbayna waa in lajoojiyo meeshana laga saaro xeerka sinada iyo kufsiga lana soo celiyo xeer kii hore xeer lr 2018.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

 

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa
Mustaqbal17@gmail.com