Mareykanka:Taageerayaasha Trump oo oo muddo kooban qabsaday xarunta Congress-ka.

Taageerayaasha Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol Hill ee magaalada Washington halkaas oo uu ka socday kulan labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka ay ku ansixinayaan madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Xildhibaanada ayaa laga saaray dhismaha kadib markii hoolka ay ku shirayeen ay galeen taageerayaasha Trump oo careysan islamarkaana qeylinaya.

Ilhan Omar oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegtay in ay badqabto balse ay ka qalbi jabsantahay kana xun tahay waxa ka dhacay Capitol.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo goobta joogay ayaa waxaa la cararay ciidanka gaarka ah sida saxaafada mareykanku ay sheegeyso.

Nancy Pelosi oo afhayeenka Congresska Mareykanka ayaa ka dalbatay Donald Trump in uu taageerayaashiisa u sheego in ay ka baxaan xarunta Capitol Hill.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyada Mareykanka.