KORORKA KOROONAHA KOONFUR AFRIKA OO SARE U KACAY.

Lambarkii ugu weynaa abid tan iyo intuu COVID19 ka dilaacay Dalkani Koonfur Afrika, ayaa la Diiwaangeliyay 24-kii Saac ee ugu dambeeyay oo kaliya, taasoo walaac hor leh kusii beeraysa cabsida ah in Dalku dib ugu laabto Lockdown ka adag wajigii 1aad.


Sideed Boqol, Afartan iyo Afar qof, ( 844 ) ayaa u dhimatay saacadihii lasoo dhaafay, taasoo tirada guud ee Dhimashada ka dhigtay (31,368 ).

Kow iyo Labaatan Kun, Sideed Boqol Sodon iyo Laba Qof (21,832), oo xaalado cusub ah ayaa la helay, waxayna tirada guud ee uu haleeley Saf-mareenkan Coronavirus haatan cagacagaynaysaa Hal Milyan, Boqol Afartan iyo Sagaal Kun, Shan Boqol Sagaashan iyo Kow (1,149,591 Kiis ).

Halka Bukaanada kasoo kabanaya ee iyagu ka Caafimaaday ay gaarayaan (929,239).

Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa lagu wadaa inuu shacabkiisa iyo dadyowga kale ee ku nool dalkiisa la hadlo, wuxuuna haatan kulamadii ugu dambeeyey la leeyahay Golihiisa Wasiirada iyo Laamaha Caafimaadka.

Abdulrazak IndhaJaceyl