Wasaarada batroolka Soomaaliya oo aan weli ka hadlin sababta dib loogu dhigay saxiixa heshiiska shidaalka

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda batroolka ayaanan weli ka hadlin sababta dib loogu dhigay saxiixa heshiiska dhanka sahminta iyo qodista shidaalka oo maalmihii ugu dambeeyay lagu waday in lagu saxiixo Magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la galeyso shirkado ajnabi ah.

Somali oil and gas

Dhanka kale, war qoraal ah oo ay dhawaan soo saareen midowga musharixiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ayay ku sheegeen in hannanaka loo marayo arrintan aanay sax ahayn.

Haddaba si aan waxbadan ugu ogaano arrimaha ku xeeran shidaalka iyo heshiiskiisa ayaa waxaanu la xiriirnay Maxamed Muqtaar Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya.