Madaxweyne Farmaajo oo ka aqbalay dalab la xiriira doorashada Md. Qoor Qoor.

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay dalab uga yimid Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), kaas oo ku sabaanaa Ergadii uu keenay Madaxweyne Qoorqoor ee ku saabsan xalinta khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta Kuraasta Xildhibaannada ee Gobolka Gedo.

Kulamo saacadihii la soo dhaafay Madaxweyne farmaajo iyo Madaxweynaha galmudug ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la isku fahmay in saddex kursi in lakala bedesho, arrinta Gedo la xalliyo ka hor doorashada oo dib u heshiisiin laga furo labada dhinac.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa laga war sugayaa inuu jawaab ka keeno Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Arrinta Gobolka Gedo ayaa noqotay caqabadaha koobaad ee hortaagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya maadaama dowladda Soomaaliya Gobolkaas ay geysay Ciidamo farabadan si ay doorashada u maamusho halka Axmed Madoobe uu doonayo in saga loo madax bannaaneeyo.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale dhici doono kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha doorashooinka dalka maadaama mudada xilehynta Madaxda Dowladda Soomaaliya uu gebogabo yahay loona baahan yahay inay dhacdo doorasho la isla ogol yahay.