Itoobiya oo sheegtay in ay dayactireyso masjidka Najashi oo burbur soo gaaray.

Muqdisho:-Dowlada Itoobiya ayaa balan qaaday in ay dhisi doonta masjidka qadiimiga ee boqor Al Nejashi kaas oo ku yaala gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya isla markaana waxyeelo ka soo gaartaya dagaalkii u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo TPLF.

Sidoo kale waxaa la boobay agab badan oo masjidka iyo xafiisyadiidsa yaalay.

Itoobiya waxay sheegtay in koox quburo dhanka dhismaha ah ay u direyso qiimeynta dhibaatada gaartay masjidka taariikhiga ah isla markaana ay dib u dhis u sameyn doonto.

Masjidkan oo ku yaala magaalada Wukro oo 800 Km u jirta Adis Ababa waa masjidkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika laga dhiso.

Sidoo kale, waa halkii ay u hijroodeen saaxabadii rasuulka NNKH ka hor hijradii Madina.