Coronavirus: Afrika oo looga digay mowjad labaad oo fayraska ah oo aad u daran

Mowjadda labaad ee coronavirus ee Afrika ku habsatay “waa mid aad u daran” makra loo eego tii hore, waxaa sidaasi sheegay madaxa Xarumaha Afrika ee Xakameynta Cudurrada (CDC), John Nkengasong.

Wuxuu BBC-da u sheegay in qaradda ay haatan diwaan geliso ilaa 30,000 oo kiisas cusub ah maalin walba marka loo barbar dhigo 18,000 oo ay ahaayeen bartamihii July. Xogta tirada hay’adda caafimaadka ayaa muujineysa in Afrika ay xaqiijisay ilaa 3 milyan oo kiisaska coronavirus ah, iyo 68,755 oo dhimasho ah.

Dallaka sida Rwanda, Namibia, Zimbabwe iyo Jmahuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa soo rogay xayiraado cusub oo lagu xakameynayo xanuunka.

Dr Nkengasong ayaa sheegay in xirashada maaskarada ay ahayd rajada keliya ee qaaradda ee looga hortagayo fayraska, wuxuuna ku boorriyay dowladaha inay sii xoojiyaan.