Ciidamo Soomaali ah oo uu Tababar uga Furmay Dalka Turkiga.

ANKARA:-Dowladda Turkiga ayaa tababar milatari u billowday 150 askari oo ka tirsan ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran taas oo qeyb ka ah qorshe lagu tababarayo saddex dalool dalool ka mid ah ciidamada dalka.

 

Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in ciidamadan ay tababar nooca kumaandooska ku qaadanayaan dugsiga tababarka iyo la dagaallanka argagixisada ee ku yaalla Isparta ee koofur galbeed dalka Turkiga.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda ayay ku sheegtay in tababarka ciidamadi uu billowday 21-kii December ee sanadkii ina sagootiyay.

Danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Muqdisho Mehmet Yilmaz ayaa horay u sheegay in Turkigu uu diyaariyay qorshe dhamaystiran oo u uku tababarayo saddex dalool dalool kamid ah ciidamada Soomaaliya kuwaas oo tiro ahaan ku qiyaasan ilaa 16.000 oo askari.

Turkiga ayaa si weyn dowladda Soomaaliya uga gacan siiya dib u dhiska ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

2017-kii Turkiga ayaa Soomaaliya ka furtay salhig millatari oo weyn taasi oo ku kacday 50 milyan oo dollar waxaana saldhiggaas ku tababarta ciidamada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa  haatan ka soo kabanaysa burburkii ciidamadeeda soo gaaray 1991-kii markii ay meesha ka baxday dowladdii milatariga ahayd.