Cali Guudlaawe oo shir Gudoomiyay shir looga halaayay Amniga Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay Kulanka Guud ee Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shirka oo maanta ay kas qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad, Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Guud ee Booliska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidanka Haram cad ee Hirshabeelle iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee todobaadkiiba mar qabsooma warbixinta Amniga uga dhageystay saraakiisha Hay’adda Amaanka.

Saraakiisha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka ku sameeyeen is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga oo dhaqo culus u haya Bulshada Hirshabeelle.