UK oo soo saareyso tallaabooyin dhanka socdaalka caalamiga ah.

Dowladda UK ayaa maanta gelinka dambe la filayaa iney ku dhawaaqdo in ay soo rogto xayiraado dhanka caalamiga ah, sida ay BBC fahantay.

Waxaa la aaminsan yahay baaritaano la xiriiro dullimaadyada caalamiga ah in la tixgelinaayo, inkastoo aysan jirn xaqiiqooyin la xiriira noocayada baaritaanada ee la adeegsan doono, sida uu soo werisay weriyaha BBC-da Caroline Davies.

Tallaabadan ayaa imaneysa ka dib markii wasiir Michael Gove uu BBC-da u sheegay iney doonayaan inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaddiyada socdaalka caalamiga ah.

Waxa uu sheegay inuu wasiirada koobaad ee Scotland, Wales iyo Northern Ireland kala hadlay sidoo loo xaqijin lahaa in waaddama ay arrintan uga qaadan lahaayeen go’aan isku mid ah.