Maxkamada CQS oo u dignin culus u dirtay Saraakiisha saldhigyada Booliska.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan Dalab oo maanta xilka la wareegay ayaa digniin adag u diray Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Saldhigyada.

Wuxuu sheegay in talisyada Saldhigyada looga baahan yahay hubin iyo sugida dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan u soo gudbin Maxkamada Ciidanka Qalabka sida.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in sidoo kale looga baahan yahay inay hubiyaan oo eeggaan galka iyo marqaatiyada dadka la soo qabto si waafaqsan sharciga dalka u yaalla.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa adeeg caddaaladeed oo tayaysan ayna ku qanacsan yihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo ciidanka qalabka sida.

Dhawaan ayay aheyd markii xilkaan loo magacaabay ka dib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Sare Liiban Cali Yarow.