Haweeneey u istaagtay dadkeeda oo qurubaha ku rafaadsan.

Haweeneey Kenyan ah ayaa cunto bilssha ah u qeybineysa asxaabteeda reer Kenya ee ku nool Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo shaqooyinkoodii waayay intii lagu guda jiray dhibaatada fayraska corona.

Wangeci Waruire, waxay ahayd darawalad ka shaqeysata Tagsiga markii uu fayraska ku dhuftay Imaaraadka.

Bishii Octoobar ee 2019-kii ayaan shaqada iska casilay ka dib markii aan wajahay bilooyin mishaar yari ah sababtoo ah qeybta koobaad ee eelaboorka weyn waa la xiray sidaa darteed waxaan ku shaqeeyneynay gunnooyin. Ayay Mrs Waruire u sheegtay BBC-da.

Hooyadaan haysata 3-da caruur ayaa ogaatay in dad badan oo kale ay shaqooyinkooda waayeen, waxayna ku fakartay sida ay u caawin karto waxaana u soo baxday iney siiso cuunooyin bilaash:

Seeygeyga oo markaasi isaga weli shaqeynayay ayaa bilaabay inuu isoo iibiyo iidaanka cunnada lagu daro kadibna waxaan bilaabay inaan sameeyo oo aan bartayda Facebook ku baahiyo si ay u arkaan oo ay u qaatan dadka dariska ila ah.