Dowladda Faransiiska oo Xabsiga Dhigtay Hoggaamiyihii Hore ee Fallaagada ee dalka Kongo.

PARIS:-Dowladda Faransiiska ayaa xabsiga u taxaabtay hoggaamiyihii hore ee fallaagada Kongada Dimoqraadiga Roger Lumbala.

Faransiiska ayaa baaritaan ku wada hoggaamiyahan, Ninkan ayaa ku eedeysan in u uku lug lahaa gabood-fallo ka dhan ah bani aadamka kuwaas oo u uku kacay xilligii uu dagaalka sokeeye ka socday dalka Kongo 2002-dii.

Wakaaladda wararka Faransiiska ayaa shegtay in ninkan u uku eedeysanyahay iska hor keen iyo isku soofeyn uu ka dhex abaabulay labada qowmiyadood ee Nande iyo Twa.

2003-dii ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay xisbiga (RCD-N) oo uu ka tirsanaa mudane Lumbala ku tagri fal xuquuqda aadanaha ee dalka Koongo.

Lumbala ayaa horay u ahaan jiray mudane mucaarad ah oo ka tirsanaa baarlamanka dalkaas.