Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen oo kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada Somalia kulan kula qaatay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo shalay ka soo laabtay safar uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka xalay uu bilowday Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed uu ku soo biiri doono Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta la filayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Muran xoog leh ayaa hareeyey habraaca doorashooyinka Soomaaliya iyadoo lagu eedaynayo xukuumadda Soomaaliya in ay samaysatay guddi doorasho oo ka kooban shaqaalaha Villa Soomaaliya iyo sirdoonka dowladda.

Musharrixiinta mucaaradka ah ayaa ku doodaya in dowladdu ay iska indha tirtay cabashooyinka laga keenay guddiga doorashooyinka ee heer Federal. Guddigaas oo shaqadooda bilaabay iyadoo ay weli ka maqan yihiin xubnaha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.